hoos ... ka
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos ... ka
adv-loc (adj.): from below; under, lower; quietly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos ... u
adv-loc: downwards
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooc
(Fooc-a)
Wax sinnaa meel kamid ah, oo inta hoos ka soo riixantey, kor u soo buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujo
(Guja-da)
1. Gacanta oo duuban ama nafleyda yaryar oo wax nuugta gufuurkeeda, oo xoog loogu dhufto candhada xoolaha, si caano kale uga soo dhacaan.
2. Tantoonyo ama feer, hoos ka yimaada oo kor u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halase
(Halasa-ha)
Dab hoos ka nool, korna ka danbasoobey; dhuxul danbas huwan; digo gubatey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoos
1. (Hoos-ka) Waxa ifku qabto harka ka baxa; hoosiis; har.
2. (Hoos-ta) Xagga dhulka xiga; aan kor ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelo
(Leela-da)
1. Qiiqu hadduu meel kore oo gudo ah ku ururo oo noqdo wax qiro leh, oo kolkol waxyaalo wargo la moodo ka soo laallaadaan.
2. Wixii biyuhu sidaas oo kale gebiyada iyo godadka gudohooda ugu sameeyaan: kolkol waxay yeeshan filgimmo dheerdheer oo waaweyn oo xagga dhulka u soo laallaada.
3. Xayaabo biyaha deggan korkooda ka samaysanta.
4. Cunnada la karshey oo qaboobaysa, xayaabo ama xuub dusha ama hoos kaga samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelo
(Sheela-da)
Xiidmaha wax ka mid ah oo, xuubka hoos ka celiya oo dillaaca darteed, soo dhaadhaca oo qooraha gala oo weyneeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xatabad
(Xatabad-da)
Qoriga ama dhiska dhagaxa ah oo albaab labadiisa qalbac hoos ka haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aagga-qabow
m.l (-gag-qabow, m.l) (jooloji) Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabxanag
m.l Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. la-mid: dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaad
m.l Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dhaawac wax hoos ka buka ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunti
gunti¹: m.l 1. Marada raggu hoos ka qaato labadeeda duub oo yaryar oo ay ku leedahay la simaadka labada fiiq oo miskaha. 2. Hab go'yaasha dharka raggu u xirto.
gunti²: f.mg2 (-iyay, -isay) U g.: cid maro hoos ugu xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargal
hargal¹: m.l 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. la-mid: hargelid. la-mid: hargalmo, hergel¹, hergalmo.
hargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. la-mid: hergel².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgunti
m.l (-iyo, m.dh) Maro raggu hoos ka xirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudaanhuto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Godad dudumooyinku leeyihiin oo hoos isaga daldaloola. 2 Nabar dhaawac ah oo aan hoos ka biskoon. 3. Turaanturro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgun
hurgun¹: m.l Caalirka iyo fasaska ku dhaca meel hore u jirranayd. la-mid: hurgumo¹.
hurgun²: m.l (daawo) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo.
hurgun³: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Meel hore u bugtay hoos ka caalirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushuule
m.l Sh. ah: qof xan badan oo dadka hoos ka dicaayadeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
targal
m.l (-llo, m.dh) 1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadne
m.l (cilmiga naflayda) Xubin muruq ka samaysan, hoos ka daloosha oo leh qaab toobineed kuna sugan bartamaha saableyda, afkiisuna uu yaraha bidix u janjeero, ahna xubin dhexaadka dhiigga jirka u gudbisa. la-mid: wadno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xar
m.l 1. Budada ka soo daadata qoryaha buluunbulyadu gasho. 2. Xasharaad yar oo qoryaha hoos ka cunta. 3. Dhagaxbadeed aad u khafiif ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hor ... u
adv-loc: forwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sow ... ma
qw / class: isn't it?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gees ... u
adv-loc: sideways